Allbanaadir.com
NEWS

Qarax dhaliyay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa maanta qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lagana hago meelaha fog fog uu ka dhacay degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana gaariga qaraxa lagu weeraray la sheegay in uu lahaa Taliye Saney Cabdulle oo katirsan saraakiisha ciidanka milatariga.

Inta la xaqiijiyay askari katirsanaa ciidankii milatariga ee la weeraray iyo darawal mooto bajaaj ayaa qaraxa ku dhintay, waxaa sidoo kale qaraxa dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray ciidamo kale oo milatari ah.

Ciidamo katirsan milatariga ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay , waxa ayna ciidanka halkaasi ka qaadeen dadkii ku dhintay qaraxa iyo sidoo kale dadkii kale ee dhaawacyada uu kasoo gaaray.

Qaraxyada miino ayaa mararka qaar ka dhaca xaafado katirsan magaalada Muqdisho , waxaana qaraxyadan oo inta badan lala eegto gaadiidka ciidanka mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Hooyo Soomaaliyed oo afar caruur ah ku umushay Muqdisho

Caydiid Ali

Shir caalami ah oo ka furmay Muqdisho & 12 dowladood oo ka qeyb galaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo dagaalka Israel & Xisbullah ku tilmaamay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---