Cali Guudlaawe iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Baladweyne (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha e Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay  Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Magaalada Beledweyne uu la qeybsanayo dhibaatada iyo xanuunka kasoo gaaray qaraxyadii argagixiso ee dhowaan ka dhacay Magaalada, isagoo u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo door muuqa ka qaadatay caawinta dadka ku waxyeelabay weeraradaas .

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Magalaada Beledweyne waxa uu kulamo  kala duwan oo looga hadlayo amniga la qaadan doonaa laamaha amniga Magaalada Beledweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -