Golaha Wasiirrada Puntland oo meel mariyay Wax ka bedelka Xeerka Howlgabka (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, soo gudbinta degmooyinka ay ka dhacayso Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Ansixinta Wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah, Tababarada Shaqaalaha Dowladda, xaaladaha Roobabka Dalka ka curtay iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay soojeedinta Degmooyinka laga qabanayo wejiga labaad ee Doorashada Hal qof iyo Hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasaaradda ayaa soo gudbisay 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorashada iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37degmo oo isugu jira Heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxiyey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyinka Doorashadu ka dhacayso.

Soojeedinta degmooyinka Doorashadu ka dhacayso iyo soodimaha degmooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Goluhu isla qaatay in loo gudbiyo Guddiga KMG Ah ee Doorashooyinka Puntland TPEC.

Kulanka Golaha Wasiirada waxaa maanta lagu ansixiyey Wax ka bedelka Xeerka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay muhiimada Xeerkan wuxuuna Sidoo kale Golaha faray in Wasaaraduhu si weyn uga faa’ideystaan Tababarada Shaqaalaha Dowladda oo hadda ka socda Machadka Tababarada Shaqaalaha Dowladda xaruntiisa Garoowe.

- Advertisement -