Allbanaadir.com
NEWS

Samafale muddo 30 sanno ah gaarigiisa kusoo galbiya xujeyda Makka kusii jeeda

Abaal uu Eebbe weyne ka rabo awgeed, nin Sucuudiga u dhashay ayaa soddonkii sannadood ee lasoo dhaafay wuxuu xujeyda ku qaadaa gaarigiisa gaarka ah – isaga oo ka galbinaya magaalo xuduudeedka uu ku nool yahay ilaa uu ka keeno magaaladda Makka.

Ayed Al Jarhadi wuxuu gu’yaalihii lasoo dhaafay xujeyda kasoo daabulaa magaalada Arar ilaa Makka si ay u gutaan acmaasha Xajka iyo cumrada.

“Waxaan haweenka iyo nugulka kale ee xujeyda ah sida duqowda kasoo qaadaa xuduudda si aan ajar uga helo,” ayuu u sheegay Al Arabiya TV.

Laakiin Al Jarhadi ma ahan Muslimka kaliya ee Sucuudiga u dhashay oo samafalkaas la gaarka ah oo loo fidiyo martida Raxmaanka ama xujeyda.

Fahd Al Hamli, oo boqollaal xujeyda ah ku marti qaada beertiisa ayaa kamid ah, wuxuu aseendadiisa oo ku taalla Majmaah ku diyaariyaa cunnooyin fudud iyo cabitaan si ay xujeydu u cunaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil ciidan oo geed hoostiisa kula hadlay shacabka magaalada Xagar (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliska Norway oo xabsiga u taxaabay nin la shaqeynaayey sirdoonka Ruushka

Caydiid Ali

Dal hakad galiyay isticmaalka Barta X iyo hal arrin oo sababtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---