Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Amar culus siisay shirkadaha ka shaqeeya adeegga duulimaadyada (Sawirro)

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji, ayaa kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeegga duulimaadyada oo ku mideysan daladda SATA , waxa uuna kala hadlay la macaamilka kooxda Al Shabaab.

Wasiirka ayaana ku amray shirkadahan  joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo Al-Shabaab, waxaana uu u sheegay in arrintani tahay go’aan dawladdeed isla-mar-ahaantaana ciddii fulin wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Waxa uu cadeeyay wasiirka  in marna ba aan la aqbali doonin in dhaqaalaha laga qaado ganacsatada Soomaaliyeed uu noqdo mid lagu xasuuqo isla-mar-ahaantaana lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, ganacatada ku bahoobay daladda Adeegyada Duulimaadyada ee SATA oo iyaguna kulanka ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay inay u hoggansamayaan awaamiirtan cusub ee ka soo baxday dhinaca xukuumadda Soomaaliya.

Amarkan dowladda dul dhigtay shirkadaha ka shaqeeya adeegyada duulimaadka ayaa kusoo aadaya, xili Madaxweynaha dalka ku amray ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed in ay joojiyaan maalgelinta Al Shabaab uu tilmaamay in ay dambi weyn tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dib u dhiska garoonka Stadium Muqdisho oo heer gebogebo ah maraya (Sawirro)

Caydiid Ali

Arrin qabsatay Imaam tujinayey Salaada Tarawiixda oo laga hadal hayo Baraha bulshada (Sawirro)

Caydiid Ali

80 Arday oo ka qelin-jabiyey Jaamacada UPEACE faraca Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---