Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Uganda oo ka hadashay Qoraalkii carrada abuuray ee kasoo yeeray Wiilka Museveni

Wiil uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda, sidoo kale ah jeneraal katirsan ciidamada dalkaasi ayaa qoraal uuu bartiisa Twiterka ku faafiyay kaga carreesiiiyay dowladad Kenya, hadalkan ayaana abuuray hadal heyn badan oo labada dal ah.

Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, oo ah curadka Madaxweyne Yuweri Musevani ayaa si kaftan ah u sheegay in ciidamada Uganda haddii ay dalka Kenya weeraraan ku qaadaneyso muddo labo isbuuc ah in ay kula wareeegaan magaalada Nairobi.

Hadalkan ayaa si weyn uga carreesiiyay dowladda iyo shacabka dalka Kenya, waxaana qoraalo dadka Kenya ugu jawaabayaan wiilka Madaxweynaha dalka Uganda ku baahiyeen barahooda bulshada.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Uganda ayey isaga fogeysay hadalka kasoo yeeray wiiilka madaxweynaha, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in hadalkaasi uusan ka turjumeyn aragtida dowladda uuna yahay mid shaqsi.

“Waxaan aad u qadarineynaa xiriirka adag ee labada dal ee aan la leenahay waddanka dariska ee aan walaalaha nahay ee Kenya, hadalka  Lt Gen Muhoozi Kainerugab kama turjumayo aragtida doowladda” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya qoraalka kasoo baxay ayaa cadeeyay inaanay ku raacsaneyn hadalada kaftanka macna-darrada ah, ee uu soo saarey curadka madaxweyne Yoweri Museveni.

Hadalo marar badan kasoo yeeray wiilka curadka madaxweynaha dalka Uganda ayaa abuuray carro xooggan, waxaana wiilkan la sheegaa in loo diyaarinayo in uu la wareego talada dalka Uganda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin kufsi u geestay Meydadka Haween badan oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Guri dhismihiisa ka socday Muqdisho oo dumay iyo Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade

Falastiini Hubeesan oo toogasho Yahuud badan lagu dilay ku qaaday Goob Macbad ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---