Saddex Madaxweyne oo loo xil saaray in ay xaliyaan Khilaafka u dhaxeeya DF iyo Puntland

Waxaa meel xun gaaray khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, khilaafkan ayaana sababay in Puntland aysan kasoo qeyb gelin shirka golaha wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Baydhabo.

Shirkan waxaa kasoo baxay go’aano badan ay isku raaceen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada , waxaana go’aannada shirka kasoo baxay qeyb ka aheyn Puntland oo horey xiriirka ugu jartay dowladda Dhaxe.

Qodobada shirka golaha wadatashiga Qaran kasoo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in saddex kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka loo xil saaro in xal ka gaaraan tabashada Puntland iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda.

”Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdiaziz Xasan Maxamed , Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Cabdullaahi Xuseen loo diro Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Madaxda saddexda dowlad goboleed ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Garawe ee caasimada Puntland si ay wadahadal ula furaan madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo si weyn ugu careesan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse.

Puntland carradeeda ayaa bannaanka timid kaddib markii ay weesay xilka Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, sidoo kale aan wax wadatashi ah lagala sameyn dhismaha xukuumadda iyo xilal kale ee dowladda madaxdeeda magacaabeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -