Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Deni oo kar-karinaya qorshe qarsoon oo ugu dambeyn muddo kororsi horseedaya

Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa booqday Xarunta dhexe ee Ururka halkaasoo uu kulan Kula qaatay xubnaha Golaha fullinta ee Ururka.

Kulanka ayaa ku saabsana is xogwareysi iyo shaqooyinka Ururka Sidii loo dardargelin lahaa maadaama la isu diyaarinayo Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Puntland oo ku guuleysatay markii ugu horeysay Doorasho hal qof iyo hal Cod ah oo laga qabtay saddexda degmo ee Eyl, Qardho iyo Ufeyn, waxaa ka go’an dhameystirka Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Booqashada Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH ee Xarunta dhexe ee Ururka, waxaa ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili Madaxweyne Deni uu doonayo inuu doorashada soo socota ee hogaanka Puntland ka dhigo qof iyo cod taasoo dad badan ay shaki gelinayaan in lagu diyaarin karo mudada yar ee kaga hartay muddo xileedkiisa, waxaana dadka falanqeeya ay aamnsan yihiin in qorshaha Deni oo si weyn looga diidan yahay Puntland ay dulucdiisu tahay muddo kororsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amaro culus oo la dul dhigay Xildhibaanadii Puntland ee maanta xasaanada laga qaaday

Cabdi Cade

Toos u Daawo Doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka socota magaalada Garawe

Cabdi Cade

Imaaraadka oo la sheegay in uu doonayo in Puntland ka jaro Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---