Allbanaadir.com
NEWS

Cod sir ah oo laga duubay golaha Wasiirrada Pakistan iyaga oo u tashanaya Imran Khan

Golaha wasiirrada federaalka ee dalka Pakistan ayaa go’aansaday in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan raysul wasaarihii hore ee dalkaas, Imran Khan, sida laga maqlay cod lasoo dusiyay oo la duubay xilliga ay tashanayeen.

Xogta ku jirta codka ayaa qeexeysa in marka ay si rasmi ah go’aankaas u ansixiyaan golaha wasiirrada kaddib lagu dhaqaaqi doono tallaabada sharciga ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Pakistan oo magaciisa qariyay ayaa xaqiijiyay in baaaritaan heer federaal ah lagu sameyn doono arrintan, waxaana hay’adda baaritaannada ayaa amar lagu siiyay inay si deg deg ah u soo baarto codka sirta ah ee la faafiyay.

Imran Khan oo ah siyaasi aad u saameyn badan waxa uu guddoomiye ka yahay xisbiga Tehreek-e-Insaf. Bishii April ee sanadkan ayaa laga qaaday xilka raysul wasaaraha Pakistan, arrintaas oo si weyn uga careysiisay taageerayaashiisa.

Xil ka qaadistiisa waxa ay timid kaddib markii ay xildhibaannada baarlamaanka kalsoonida ugala noqdeen kulan dhacay saq dhexe oo habeennimo kaddib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo kaalin aan wanaagsaneyn ka gashay liiska xorriyadda saxaafadda Caalamka

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah agaasimeyaasha Wasaaradaha DF oo xil ka qaadis wajahaya

Caydiid Ali

Dr. Saciid Ciise: “Dalka milkiyadiisa waxaa sharci ahaan iska leh dowladda Somalia”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---