Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Suuq ku yaalla Wanle-weyn

Ugu yaraan Laba ruux ayaa ku dhimatay saddex kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay suuq ku yaalla degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Qaraxa ayaa la sheegey in uu ahaa miino dhulka lagu aasay, kaasoo aan illaa iyo hadda la ogeyn cidda lala beegsanayey.

Ciidamo boolis ah ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, kuwaasoo baaritaanno la xiriira qaraxa sameeyaym inkastoo aysan jirin cid loo soo xiray sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen,

Kooxda Shabaab ayaa inta badan geysata qaraxyada miinooyinka, iyagoo bartilmaameedsada goobaha ay  ku yihiin ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.iyadoo ay kordheen qaraxyada kooxdan ka geysato qeybo ka mid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo go’aan geesinnimo leh ku tilmaantay heshiiskii ay Itoobiya la galeen

Cabdi Cade

Talibaan oo dishay Hoggaamiye katirsanaa Daacish oo ka dambeeyay Weerar dad badan ku dhinteen

Cabdi Cade

DF oo shaacisay fariimo loogu talo galay dadka ka soo gudbaya xuduudaha dalka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---