Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo Shaacisay in dib ula wareegeen Deegaanka Booco (Daawo Sawirada)

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee macawuusleyda ayaa lagu soo waramayaa in ay dib uga baxeen deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmo kahor kala wareegeen Al Shabaab.

Dagaalyahanada Al Shabaab oo horey ugu sugnaa duleedka deegaankaasi ayaa dib ugu soo laabtay deegaanka Booco, kaddib markii halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa macawuusleyda ee ku sugnaa.

Sargaal katirsan Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in dib ula wareegeen deegaanka Booco ,oo maalmihii lasoo dhaafay dibad joog ka ahaayeen ,kaddib markii ay la wareegeen ciidamo huwan ah.

Deegaanka Booco ayaa lagu arkayaa dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab oo gaaf wareegaya, ciidamadan ayaana dib ula wareegay xarumihii ay horey ugu sugnaayeen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.

Dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaan ka hadlin ka bixitaanka deegaanka Booco oo dib ula wareegeen Al Shabaab, waxaana maalmihii lasoo dhaafay deegaankaasi ka dhacay dagaalo iyo qaraxyo khasaaro badan dhaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Al Siisi oo marti-qaad u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi culus oo…

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo Imaamka Al-Azhar kala hadlay labo qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Aabbe gabadhiisu ka diiday inay daryeesho oo dacwad u gudbiyey Maxkamad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---