Dowladda oo sheegtay in la bur buriyay Maxkamad ay laheyd Al Shabaab ragna laga dilay

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheesan oo khasaaro dhaliyay ka fuliyay tuulada  Sabya oo ka tirsan deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Bashiir Cumar, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaan ay ku sugnaayeen xubno katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha intii uu socday howlgalka in ay dileen dagaalamayaal katirsanaa kooxda Al Shabaab, sidoo kale burburiyeen maxkamad Al Shabaab ku lahaayeen deegaankan oo dhaca xadka Afgooye iyo Balcad.

Ciidamada dowladda ayaa mararka qaar gobolka Shabeelaha Hoose ka fuliya howlgalo qorsheesan ay ku tagaan deegaano ay joogaan Al Shabaab, ciidamada ayaana dib uga soo laabta deegaanada ay tagaan saacado kaddib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -