(Sawirro) Degaano ka tirsan Sh/dhexe oo ka baxay gacanta Al-Shabaab iyo howlaglo socda

Ciidamada ayaa wada howlgalo ka dhan Al-shabaab oo ka socda deegaano hoostaga gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalkan oo bilowday afar cisho ka hor ayaa ciidamada dowladu Al-shabaab ka saareen degaanada Walamoy, Muryaley, Buulo-xanshooley, Gololeey, Garas-weyne iyo Daniga balow.

“Howlgalkan ayaa qayb ka ah howlgallada guud ee lagu baacsanayo firxadka Al-shabaab sidoo kalena lagu xiddida siibayo haraadiga kooxdaas ee ka socda guud ahaan waddanka” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Duufaan Maxamed Gaanyac Cabdulle oo howlgalkan hoggaaminaya.

Taliyaha intaas ku daray in mudadii ay socdeen howlgaladan ay dileen xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab, qaar kalena dhaawaceen.

“Waxaan u mahad celinayaa dadka ku nool degaanada aan ka xoreynay cadowga oo si weyn noo soo dhoweeyey, waa sii soconayaa howlgalka si aan argagaxisada uga saarno degaanada kale ee ay joogaan” ayuu intaas ku daray taliyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -