Madaxweyne Farmaajo oo safar deg deg ah ku tagay Addis Ababa (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu horkacayey ayaa saaka ka degay magaalada Adis abab ee dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha ee Addis ababa ayaa ahaa mid aan hore loo shaacin oo degdeg ah ka dib markii isaga iyo wafdigiisa ay ka duuleen magaalada Maka Almukarama ee dalka Sacuudiga oo ay kaga qeyb galeen shirkii deg dega ahaa ee Jaamacada Carabta.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu saaka soo dhoweeyay madaxweynaha Somalia, ayna yeesheen wadahadal ku saabsan xiriirka labada dal oo ay ku jiraan xoojinta nabadda gobolka.

Labada hoggaammiye oo ay wehliso marwada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa geed ku tallaalay xarunta ra’iisal wasaaraha Itoobiya,kaasoo aan faahfaahin laga bixin ujeedada laga lahaa.

Safarkan ayaa imaanaya iyadoo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu dhowaan shaaciyay inuu dhexdhexaadinayo khilaafka ka dhex aloosan dowladaha Somalia iyo Kenya, lana kaashanayo dalalka Eritrea iyo South Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -