Dowladda oo Shaacisay in ciidamadii Eritrea ku maqan dalka laga soo celinayo si ay…

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshihii ugu dambeeyay ay dalka dib ugu soo celineyso dhallinyaro badan oo tababar loogu qaaday dalka Ertrea, kuwaa oo muddo sannado ah dalkaasi ku maqnaa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudah iyo dib u heshiisiinta  Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in ciidanka ku maqan dalka Eritrea dhawwaan dalka lagu soo celinayo si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxa uu sheegay wasiir Fiqi in ciidanka Eritrea ku maqan kusoo laabanayaan dalka inta uu socdo howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna xusay in hadda socdo diyaarinta goobihii ay ciidankaasi degi lahaayeen kana howlgali lahaayeen.

“Ciidamadda lagu tababaray  Eritrea waxa ay  soo laaban doonan inta uu socdo howlgalada haatan dalka oo dhan ka socda. Diyaarintooda waa ay socota, Ciidamada waa kuwo aad utiro badan oo u baahan in loo diyaariyo goobihii la dijin lahaa iyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xog badan ka haysa, laakiin waxa aan ogahay in Ciidamadaasi ay dib uga soo noqonayanaan dalka’’.

Madaxweynaha Soomaaliya oo horey booqasho ugu tagay ciidamada Eritrea ku sugan ayaa sheegay in dalka lagu soo celinayo, walina ma muuqato waqti qorsheesan oo ciidankan ku maqan Eritrea dalka loogu soo celinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -