Booliiska oo War cusub kasoo saaray Haweeney si arxan darro ah u jir dishay Gabar 9-jir ah

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sabtidii lasoo dhaafay xaafada Daadsaney ee degmada Dayniile kasoo xiray Shugri Cabdulaahi Xaashi, oo la baahiyay muuqaal iyada oo si arxan darro ah u jir dileysa gabar uu dhalay nin ay kala tageen.

Booliiska Soomaaliya ayaana baaritaano ay sameeyeen ku ogaaday in Shugri Cabdullaahi marar kala duwan si xun u jir dishay gabadha yar oo gurigeeda ku nooleed, waxaana gabadha jirkeeda ka muuqday nabaro ay u geesatay xilliyo kala duwan .

War kasoo baxay booliiska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in kiiska Shugri Cabdulaahi Xaashi ku wareejiyeen maxkamadda awoodda u leh, si cadaalad loo marsiiyo, waxa ayna booliiska sheegeen in gabadha yar lagu sii heyn doono xarunta barbaarinta carruurta ee booliiska gacanta ku hayo.

”Waxaan rabaa inaan idinku wargeliyo in eedeysane Shugri Cabdulaahi Xaashi, 28 jir ah, inna hooyo Xaawo Cabdulahi Xasan Kaariye, oo ku eedeysneyd jirdilka dhibane saqiir Sahra Cabdulaahi Maxamed oo 9 jir ah. Ciidanka Boliisku uu eedeysanaha ku wareejiyay Maxkamada Awooda u leh, si loo cadaalad mariyo. Dhibanaha oo qabta tacadiyo badan oo ay eedeysanuhu ugeeysatay, uu Boliiska la wareegay, inta ay maxkamadu go’aan ka soo saarayso, haddana lagu baxnaaniyo Xarunta Barbaarinta Caruurta ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Maadama, ay u baahantahay baxnaanin dheeri ah.” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray afhayeenka booliiska Soomaaliya.
Muuqaalka laga duubay haweeneydan oo si arxan darro ah gabadha u jirdileysa uguna dul jiifta ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, waxaana falkan si weyn uga argagaxy dadkii daawaday oo dowladda ugu baaqay in haweeneydaasi caddaaladda la marsiiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -