Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo heegan sare gelisay ciidankeeda iyo amniga dekeda Garacad oo la xoojiyey

Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug ee bartamaha Somalia ayaa heegan buuxa la geliyay sida ay wararku xaqiijinayaan.

Sidoo kale, Xeebaha degaannada Gobolka Mudug oo ay ku jirto magaalada Garacad ayaa lagu daabulay ciidamo ka tirsan PMPF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo doonyaha dheereeya.

Talaabada ay qaaday Puntland ayaa la sheegay iney tahay mid looga hortagayo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee ka imanaya koonfurta iyo bartamaha Somalia oo ay ka socdaan howlgalo balaaran oo kooxdaas looga sifeynayo.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa in doonyo yaryar oo nooca dheereeya ah ay soo dhoobtay nawaaxiga degmada Xarardheere oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Lama oga ujeedada ka ka dambeysa doonyaha la soo dhoobay Xarardheere hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo iney ku baxsadaan saraakiisha Al-shabaab ee degmadaas ka taliyaha haddii howlgalku uu degmadaas soo gaaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Cabdikariim Axmed Mooge oo loo doortay Duqa magaalada Hargeysa

Cabdi Cade

Sharoobo lala xiriiriyay dhimashada Carruur badan oo laga digay Isticmaalkeeda

Cabdi Cade

Xiritaanka shirka wadatashiga Qaran oo fashil ku dhow & Farmaajo oo dalacsiiyay Saraakiil Ciidan !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---