Axmed Madoobe: “Difaaca waan ka baxnay, cadowga godadkiisa ayaan ku weerareynaa””

Jubbaland ayaa ku dhawaaqday iney ka baxday difaaca, isla markaana ay bilaabeyso weerar ka dhan ah degaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Jubooyinka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku wargeliyey askarta ciidankiisa in la beddalay qaabkii ahaa in la iska difaaco Al-Shabaab.

“Wixii hadda ka dambeeya waa inaan u diyaar garownaa weerar, aan intaan ka badan difaac kuma jiri karno, madaxda dowladda federaalka ahna sidaas ayaan ku soo heshiinay” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu ciidanka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan iney wajahaan cadowga, ayna tahay xiligii gacanta Maamulka lagu soo celin lahaa degaanada ka maqan.

“Madaxda dowladda federaalka sida madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo taliyaasha ciidanku waxay imanayaan jiidda hore ee dagaalka” ayuu intaas ku dartay Axmed Madoobe oo la hadlayey ciidamada Jubbaland ee difaaca kaga jira hareeraha magaalada Kismaayo.

Xeel dheerayaasha ayaa rumeysan in Haddii ay Jubbaland bilowdo howlgal cusub oo ballaaran uu culeyska ku kordhin doono Al-shabaab oo haatan kacdoon hubeysan uu kaga furan yahay degaano ka tirsan Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo sidoo kale madaxda sare ee Al-shabaab badankood ay ku nool yihiin degaanada Jubooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -