Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay dhigiisa Mareykanka Joe Biden (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Wasiirka warfaafinta Somalia oo xilkii ka qaaday agaasimihii guud, Mid cusubna magacaabay

Caydiid Ali

Xeer Ilaalinta Puntland oo War cusub kasoo saartay Dacwadii Xildhibaan Cawil Daad

Cabdi Cade

Dab saakay ka kacay Garoonka Aadan Cadde iyo Howlihii garoonka oo hakad galay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---