Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jilaa dilay Hooyadiis sidoo kale qorsheeyay Dilka Ra’isul Wasaare oo xukun lagu riday

Jilaa  dhashay dalka Canada oo lagu helay in uu dilay hooyadiis ayaa maxkamadda Sare ee Columbia ee Vancouve ku xukuntay xabsi daa’in, waxaana jilaagan sidoo kale lagu eedeeyay in uu qorsheeyay falal kale oo dil ah.

Ryan Grantham oo 24-sanno jir ah ayaa maxkamadda qaadeysay kiiskiisa ku heshay in uu dilay hooyadiis Barbara Waite sanadkii 2020, jilaaga ayaana qirtay in uu ka dambeeyay dilka hooyadiis oo ka dhax dhacay gurigooda.

Jilaagan da’da yar ayaa maxkamadda kahor qirtay in uu hooyadiis uu ka toogtay madaxa iyo dhabarka xilli ay biyaano ciyaaraysay, iyada oo ku sugan gurigooda oo ku yaalla waqooyiga Vancouver.

Dacwad oogayaasha gacanta ku hayay kiiska jilaagan ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu qirtay in uu maleegay qorshe uu ku dili lahaa Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau, balse aysan u suurto gelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Televishinka Al-Jazeera oo baahiyey in maydka Jamaal Khaashoqji lagu gubay foorrno ku dhextaala guriga qunsulka !! (Daawo Vedio)

admin

Axmed Madoobe oo la kulmay Xubnaha Guddiga doorashooyinka ku matalaya Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

Faah faahino kasoo baxaya Qarax lagu weeraray Sargaal Ciidan oo Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---