Wasiir hore oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ….

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Septeembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).

Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Puntland ayaa loo magacaabay Jamaal Carab Yuusuf oo ahaa wasiirkii Qorsheynta Puntland horeyna usoo noqday agaasimihii Tv-ga Puntland.

Wareegtada Deni ku magacaabay Agaasimaha PISA ayaa u qornaa sida tan :

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuur
ka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlada Puntland (PISA).

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -