Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho iyo Dabaq soo dumay

Waxaa caawa fiidkii qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay afaafka hore ee Makhaayada Luul Yamani oo ku dhegan dekadda magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedkeeda, waxaana qaraxan uu geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay xiliga uu qaraxu dhacayay laamiga marayeen gaadiid iyo mootooyin dad waday, waxaa sidoo kale gudaha makhaaayada qaraxa lagu weeraray ku sugnaa dad kala duwan oo halkaas cuno iyo nasiino u tagay .

Qaraxa ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uu sidoo kale qaraxa sababay bur bur , waxaana wararka aan helnay sheegayaan in guri dabaq ah oo kuyaala meel ku dhaw goobta qaraxa ka dhacay uu soo dumay ayna ka dhalatay waxyeelo.

Saraakiil katirsan ciidanka dowlada iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana socdaan baaritaano laama amaanka ku sameenayaan qaraxan iyo waliba khasaaraha ka dhashay.

Qaraxan caawa dhacay ayaa kusoo aadaya xili amaanka magaalada Muqdisho galabta si weyn loo adkeeyay loona soo dhoobay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada ciidamo kala duwan oo aad u hubeesan.

Makhaayada Luul Yamani ee caawa qaraxa lagu weeraray ayaa sidan oo kale labo mar oo hore loogu qaaday qaraxyo ismiidaamin ah, waxaana makhaayadan noqotay goob ay inta badan Al Shabaab bartilmaameed ka dhigatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -