Dowladda oo soo bandhigtay Meydadka Xubnihii Al Shabaab ee lagu dilay Sinadhaqa (Sawirro)

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska oo garab ka helayay ciidamada Galmudug, ayaa deegaanka Sinadhaqa ee dhaca duleedka magaalada Dhuusomareeb ku dilay xubno katirsan Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in deegaanka Sinadhaqa ciidamada huwanta ah ku dileen 15-dagaalyahan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ,kuwaa oo la sheegay in ay isku dayeen in ay weeraraan ciidanka dowladda ee halkaasi joogay.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa deegaanka Sinadhaqa kusoo bandhigay meydadka qaar kamid ah xubnihii Al Shabaab looga dilay dagaalkii ay la galeen ciidanka dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -