Wasiir Axmed Fiqi oo la kulmay Cabdi Waayeel kaddib muddo kororsigii Qoor Qoor (Sawirro)

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel).

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Amb Cabdixakim Ashkir, Agaasimaha waaxda Federaalka ee wasaaradda, Agaasimaha waaxda Dowladaha hoose ee wasaaradda iyo Lataliyaal.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qodobbo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka labada wasaaradood, qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ee ku aadan federaaleynta iyo baahinta maamullada iyo dib u heshiisiinta.

Arrimaha kale ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah gulufka cusub ee la dagaalanka argigixisada Alshabaab ee xorreynta deegaannada Galmudug iyo sida ay tahay in ay dowladda dhexe iyo hey’adaha deeqaha bixiyaba ay uga jawaabaan abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee heysta dadka iyo degaannada Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaan kala hadlin wasiirka arrimaha gudaha Galmudug muddo kororsigii baarlamaanka Galmudug u sameeyeen Madaxweyne Qoor Qoor Qoor iyo maamulkiisa.

- Advertisement -