Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho: “Albaabkii ganacsi ee lagu xiro Amarka Al-shabaab, dib looma furi doono”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa digniin u dirag ganacsatada qaata Amarada Al-shabaab iyo dadka u raadsada Garsoorka.

Madaale ayaa sheegay in goobtii ganacsi ee lagu xiro amarka Al-shabaab aan dib dambe loo furi doonin ayna talaabo adag ka qaadi doonaan kuwa arrintaas lagu helo.

“Albaabkii ganacsi ee lagu xiro Amarka Al-shabaab, dib looma furi doona sidoo kale qof Al-shabaab u garsoor u raadsaday Muqdisho kuma soo laaban doono.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka jeediyey galabta munaasabad lagu muujinayay doorka ay Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin ka qeybgal Nabadda iyo la dagaalanka Xagjirnimada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen madax kala duwan iyo saraakiil ciidan ayaa lagu bogaadiyay howlgalka ballaaran ee gobolada dalka looga xureynayo Al-shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale digniin adag siiyey dadka cadaalada u doonta garsoorka Al-Shabaab

“Wixii hadda ka dambeeya qof kasta aan ku helno inuu Al shabaab cadaalad u raadsaday Muqdisho kuma soo laaban doono, hadii uu ku soo laabtana xabsiga ayaan dhigi doonnaa” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulkiisu la wareegi doono goobtii ganacsi ee lagu helo in lagu iibiyo Maandooriyaha khamriga iyo xashiishka. isagoo digniin u diray dadka waxyaabahaas ka ganacsada.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo ka carootay amar Taliban ku soo rogtay Shaqaalaheeda

Caydiid Ali

Musiibo ku dhufatay gobolka Louisiana & Madaxweyne Trump oo booqanaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa Loo Dili Lahaa Xasan Sheikh – Maxaase Ciidamada Asluubta Geeyay Baraha Baarista Caasimadda?

Cabdi Cade