Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DAAWO: Khudbadii Madaxweyne Xasan Shiikh ka jeediyey fadhiga Q/Midoobey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeediyey Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey isagoo ka hadlay dhinacyo badan oo khuseeya xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia, sida amniga, dhaqaalaha iyo qodobo kale.

“Taageerada isasoo taraysa ee shacabka awgeed, waxa aannu ku kalsoonnahay in dowladdu ay Soomaaliya ka ciribtiri doonto argagaxisnimada, maxaa yeelay ummadda Soomaaliyeed waxa ay ugu dambayn xaqiiqsatay in falalka cabburinta ah ee Al-Shabaab aanay joogsanayn ilaa aan dhammeenteen si wadajir ah tallaabo uga qaadaynno xaqiijinta himiladan. Marka la soo koobo, dadka Soomaaliyeed waxa ay hadda aaminsan yihiin in Al-Shabaab laga adkaan karo, lana jebin doono. Arrintaasina waa tan dowlad ahaan na shidaalinaysa, rajana na gelinaysa inta aannu ku guda-jirno dagaalka ka dhanka ah argagaxisnimada caalamiga ah.”  ayaa ka mid ahaa hadaladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA MADAXWEYNAHA OO KU BAXEYSAY LUQADA ENGLISHKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Difaaca oo arrimo muhiim ah kala hadlay Raisedon Zenenga

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ku wajahan magaalada Garawe iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali