Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa maanta duhurnimadii ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu yimid markii bam gacmeed lagu weeraray mooto bajaaj mareysay agagaarka Ex-shineemo Cabdi Waayeel oo ku dhow isgoyska SOS.

Bamka ayaa loo malaynayaa in lala beegsanayey askar ka tirsan dowlada oo la socotay mooto bajaajta la weeraray.

Goob joogayaal ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay qaraxa kaasoo ahaa darawalkii waday mooto bajaajka, halka uu ku dhaawacmay mid ka mid ah labo askari oo la socotay mootada.

Ciidamada amaanka ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobtaas, iyagoo qaaday dhaawaca askariga qaraxa ku dhaawacmay oo xaaladiisa laga deyrinayey.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaarkood marti gelisa weeraro kala duwan oo isugu jira dilal qorsheysan oo loo geystoo dadka la shaqeeya dowlada iyo qaraxyo kala duwan, waxaana inta badan sheegta masuliyadooda kooxda Al-shabaab oo diidan siyaasada dowlada iyo ciidamada shisheeye ee taageerada siinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Puntland oo qorsheynaya talaabo sii hurin karta khilaafka doorashada

Caydiid Ali

(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo talaabo qaaday ka dib qaraxii maanta

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo ka hadlay qaraxii lagu le’day ee ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---