Aabe Wiilkiisa oo katirsanaa Ciyaal Weerada Muqdisho ku wareejiyay Booliiska

Magaalada Muqdisho xaafado katirsan waxaa dhibaato badan dadka ku haya dhallinyaro ciyaal weero ah, kuwaa oo markii dambe isku bedelay burcad dadka dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesta.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ku guul dareestay in wax badan ka qabtaan dhibaatada ciyaalka weerarada ku hayaan dadka ku dhaqan meelaha ay joogaan, waxaana ciyaalka weerarada oo koox koox u abaabulan kordhiyeen dhibaatada dadka ku hayaan.

Aabe lagu magacaabo Mahad Axmed Gaas, oo kamid ah dadka ku dhaqan degmada Kaaraan ayaa ciidamada booliiska u gacan galiyay wiil 20-sanno jir ah uu dhalay oo katirsanaa ciyaal weerada dadka dhibka ku hayay.

Wareysi uu bixiyay aabahan oo gacanta ka hayay wiilkiisa ayaa sheegay in uu umadda dhibay uuna maaro ama xal u waayay wiilkiisa, waxa uuna xusay in uu go’aansaday in booliiska u gacan galiyo si tallaabo sharci ah uga qaadaan wiilkiisa oo dadka dhibay.

Aabahan ayaa xilliga wiilkiisa soo qabanayay kuna wareejinayay booliiska gacanta ku sitay maqar weyn uu dadka ku dhibaateen jiray, waxa uuna xusay Mahad Axmed in marar badan dhibaato uu geestay wiilkiisa xaliyay.

”Wiilkan aniga ayaa dhalay rafaad iyo dhib badan ayaana ku qabaa, waxa bulshada Kaaraan ka hoyan waayeen oo ka harsan waayeen ee ciyaalka weerada ayuu ka mid ahaa, waan celin waayay xitaa dhaqan celin waayay, waxaana hadda go’aansaday in laamaha amniga ku wareejiyo si ay wax uga qabtaan wiilkayga ” ayuu yiri aabe Mahad.

Aabahan Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay waalidiinta kale ee dhalay ciyaalka weerarada in ilmahooda ceshtaan, haddii ay awoodi waayaana ku wareejiyaan laamaha amniga si tallaabo looga qaado loogana qabto dadka ay dhibka ku hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -