Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Ciidanka Cirka Maraykanka qeyb ka ahaayeen Weerarkii Iran?

Telefishinka Al-Arabiya oo ay  Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa baahiyey inay Ciiddanka Cirka ee Maraykanka iyo  dal kale ay Diyaarado Daroonis ku weerareen Wershad Milliteri oo ku taalla magaalladda Isfahan ee dalka Iran.

Telefishinka waxa uu Ilo-wareedyo ka soo xigtay in Duqeymaha Daroniska lala beegsaday Wershad Milliteri oo ay Wasaaradda Difaaca Iran leedahay.

Dhanka kale, Telefishinka Al-Hadath oo Xaruntiisa Dhexe ku yaallo magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa baahiyey in Duqeymaha Darooniska lala beegsaday Bakhaaro lagu kaydiyo Gantaallada Balaastikada (A ballistic missiles depot).

Ilo-wareed Maraykan oo la hadlay Al-Hadath TV waxa uu u sheegay in Duqeymaha loo geystay Iran ay ka qeyb galeen Ciiddanka Cirka ee Maraykanka iyo dal kale oo aan Israel ahayn.

Sidoo kale, Ilo-wareedka waxa uu tilmaamay inay Duqeyntaasi fariin u tahay Dowladaha iran iyo Raashiya oo Iska kaashada hawlaha Milliteriga,  gaar ahaan samaynta Gantaallada Balaastikada iyo Diyaaradaha Droneska ee ay Milliteriga Raashiya u adeegsadaan Dagaalka Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Lacagtii ugu badneed siiyay Xildhibaanada iyo Musharaxiinta qaar oo iyana lacago badan bixiyay

Cabdi Cade

Labo Nin oo lagu soo qabtay dagaal ka dhacay Dayniile oo xukun lagu riday (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo tagay halka ay ku aasan yihiin Sheekh Daarood iyo Xaaskiisa una duceeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---