Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo la kulmay Mrs. Audrey Azoulay iyo xubno ay horkaceysay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Kadib kulanka oo looga hadlay horumarinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo UNESCO, ayaa wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre oo qayb ka ahaa shirka iyo Audrey Azoulay waxay kala saxiixdeen heshiis Soomaaliya iyo UNESCO isaga kaashanayaan hurumarinta waxbarashada ayadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga eh.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in Soomaaliya ay aaminsantahay in dhaqanku qeyb ka yahay sooyaalka bulshada iyo jiritaankeeda, islamarkaana muhiim u yahay horumarka iyo hiigsiga mustaqbalka isaga oo intaa raaciyay in Soomaaliya u taagantahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeeya UNESCO. Soomaaliya ayaa UNESCO xubin ka aheyd laga soo billaabo 1960kii.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ku biiridda Soomaliya ee cahdiyada UNESCO ee 1972 iyo 2003 waxey horseed u noqon doonaan in la dhowro goobaha taariikhiga ah, dib loo nooleeyo hiddo-dhaqameedka, laguna daro Diiwaanka caalamiga ah ee goobaha taariikhiga ah ee caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Matti Vanhanen uu Telfoon kula xiriiray

Cabdi Cade

Madaxweyne Caan ah oo beri la filayo in uu soo gaaro Muqdisho iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Boosaaso kula kulmay Wang Yu iyo wafdi la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---