Madaxweyne Putin oo qaaday talaabo walaac cusub ku abuurtay Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray abaabul militari oo cusub, isagoo maanta wacad ku maray inuu adeegsan doono wax kasta oo uu heli karo si uu u ilaaliyo dhulka Ruushka.

Tallaabada uu Putin qaaday ayaa timid kadib markii gobollada Moscow ay haysato ee Ukraine ay ku dhowaaqeen afti ay ugu biirayaan Ruushka.

Codbixintan oo Kyiv iyo Reer Galbeedka ay ugu yeereen been abuur ayaa heer cusub gaarsiinaysa dagaalka toddobada bil ka socda Ukraine, ayada oo Moscow siinaysa awood ay ugu eedeyso ciidamada Ukraine inay weerareen dhulka Ruushka.

Afar gobol oo ka tirsan Ukraine oo ay haystaan Ruushka kuwaas oo kala ah: Donetsk iyo Luhansk oo ku yaalla bariga iyo Kherson iyo Zaporizhzhia oo dhaca koonfurta ah, ayaa sheegay Talaadadii inay afti dadweyne qaadi doonaan muddo shan maalmood ah oo ka billaabaneysa Jimcaha.

Khudbad horey loo duubay oo uu maanta u jeediyey qaranka, ayuu Putin ku eedeeyey Reer Galbeedka inay isku dayayaan inay burburiyaan dalkiisa ayagoo taageeraya Kyiv, wuxuuna sheegay in Ruushka looga baahan yahay inay taageeraan kuwa ku sugan Ukraine ee doonaya inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda.

Waxa uu sidoo kale ku dhowaaqay abaabul militari oo cusub, ayada oo wasiirka difaaca Sergei Shoigu uu talefishinka dowladda u sheegay in 300,000 oo askari oo ciidamada keydka ah loo yeerayo.

“Marka madax-banaanida dhuleed ee dalkeena la halis geliyo, waxaan adeegsan doonnaa wax kasta oo aan heli karno oo aan ku ilaalineyno Ruushka iyo shacabkeena. Tani ma ahan cayaar,” ayuu yiri Putin.

Tallaabada ay qaaday Moscow ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Ruushka ee Ukraine ay wajahayaan caqabaddii ugu xooganeyd tan iyo markii uu dagaalka billowday ka dib markii ciidamada Ukraine ayaa dib u qabsadeen boqolaal magaalo iyo deegaano ay haysteen Ruushka dhowr bilood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -