Dowlada India oo amar cusub ku soo rogtay ardayda Muslimiinta iyo carro ka dhalatay

Muslimiinta ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin isku dayga ay dowladda Hindiya ku dooneyso in carruurta dugsiyada Muslimiinta lagu baro heesaha diinta Hinduga, iyadoo dadka heysta labada diimood khilaafkoodu marayo heer adag.

Ku hagida ciyaalka iskuulada in ay heesaan heeso Hinduuga ah iyo in la xiro culumada diinta muslimiinta ay daaha ka qaaday ajandaha dhabta ah ee dowladda Hinduuga ee BJP sida uu qabo Madaxa Wasiirkii hore Mehbooba Mufti.

Kashmiir oo ah gobolka kaliya ee muslimiintu ku badan yihiin ee Hindiya ayaa si weyn looga diidan yahay talaabadan.

Muuqaalo ku saabsan arrimaha bulshada oo muujinaya qaar ka mid ah carruurta iskuullada oo qaadaya heesta Hinduuga ayaa lagu faafiyey baraha bulshada.

Waaxda Waxbarashada ayaa ku andacootay in heestan ay qeyb ka tahay sanadguuradii 153-aad ee dhalashada hogaamiyihii xorriyadda India Mahatma Gandhi.

Muslimiinta iyo hinduuga ayaa waxaa u dhexeeya kala qeybsanaan weyn oo marar qaar gaartay gacan ka hadal, iyadoo dowlada dalkaas ee ay hogaamiyaan Hinduuga xagjirka ah ay marar badan qaaday talaabooyin ka careysiiyey muslimiinta dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -