Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeesan oo maanta Dil ka geestay magaalada Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta Xaafada labo dhagax ee degmada Wardhiigley waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu kamid ahaa dadka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo biskoolado ku hubeesan rasaas qeybaha sare ee jirkiisa uga dhufteen wiilka dhalinyarada oon wali la ogeyn sababta loo dilay iyo cida uu katirsanaa.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan dilka wiilka dhalinyarada loo geestay iyo cida fulisay.

Magaalada Muqdisho ayaa malamihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal loo geesanayay dad shacab ah iyo kuwa u shaqeeya dowlada, waxa ayna dilalkan imaanayaan xili magaalada ka howlgalayaan ciidamo cusub oo booliiska katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Somalia oo ka qeyb galay xus caalami ah oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Cawad oo ka qeyb galay Madasha Stockholm ee Nabadda & Horumarka (Sawirro)

Caydiid Ali

Baarlamanka Itoobiya oo maanta anisixiyey sharci shaki ku abuuray dad badan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---