Dad ay ku jiraan Soomali oo loo heesto in ay lunsadeen lacag dhan 250 milyan oo dollar

Wasaaradda Caddaaladda dowladda Maraykanka ayaa ku eedeesay dad gaaraya 47-qof ay ku jiraan muwaadiniin asalkoodu Soomaali yahay in ay lunsadeen lacag gaareysa 250 milyan oo dollar

Warbixin ay wasaaradda cadaalada soo saartay ayaa eedo ugu jeedisay 47 qof oo lagu eedeeyey inay lunsadeen 250 milyan oo dollar oo aheyd lacag loogu talagalay quudinta carruurta ay dhaleen dadka danyara ah intii lagu jiray xanniibadihii COVID-19.

Wasaaradda cadaaladda ayaa sheegtay in lacagtan la lunsaday ay tahay mid ay dawladda Federalka ee Maraykanku ku bixisay barnaamijyada quudinta ee xiligii uu xanuunka COVID-19 uu halka ugu daran marayey.

Dowladda ayaa dhaqaale badan ku bixisay barnaamijka quudinta ee ugu talagashay in lagu gacan qabto qoysaska dantayar ee waayay dhaqaalihii soo galayay maadaama la xayiray isu socodka Dadka, waxaana lacagahaasi qaarkood la sheegay in la lunsaday.

Dadka loo heesto in ay lunsadeen lacagtan malaayiinta dollar ee Soomaalida ku jiraan ayaa haddii lagu helo dambiga waxa ay wajihi karaan xukuno xabsi ah iyo sidoo kale ganaaxyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -