Erdogan oo Shaaciyay arrin uu ka ogaaday Wajiga Putin kaddib kulan uu la qaatay

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, uu xilligan doonayo sidii loo soo afjari lahaa duullaanka ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine.

Erdogan oo wareysi siiyay warbaahinta laga leeyahay Mareykanka ee PBS ayaa sheegay in kulankii uu dhawwaan la qaatay Madaxweyne Putin uu wajigiisa ka dareemay sida uu rabo in dagaalka ka socda Ukraine loogu joojin lahaa sida ugu dhaqsaha badan.

ā€œWaxa uu runtii muujinayay Madaxweyne Putin inuu aad u rabo joojinta dagaalka, weliba si degdeg ah, arrintaas ayaan ka dareemay, sababtoo ah sida ay hadda wax u socdaan waxaa ku jira xoogaa dhib ah.ā€ ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan dedaalo ay Ruushka iyo Ukraine ku kala bedelanayaan boqolaal maxaabiis ah oo ay kala heestaan, mana cadeyn Erdogan cida ay noqon doonaan maxaabiista la is dhaafsanayo.

Erdogan oo saaxiib la ah madaxda labada dal ee Ruushka iyo Ukraine ayaa marar badan isku dayay xal u helida dagaalka ka socda Ukraine, waxa uuna wali wadaa dadaalo xal looga gaarayo dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa guuldarooyin kala kulmay dagaaladii ugu dambeeyay ay la galeen ciidamada Ukraine, waxaana Ruushka dib looga qabsaday magaalooyin iyo deegaano badan oo horey gacantooda ugu jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comĀ 

 

- Advertisement -