Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay labo sharci oo quseeya Doorashada Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay munaadabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxweyne kuxigeenka Galmudug, gudoomiyaha Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Galmudug, golaha wasiirada iyo xildhibaanada iyo marti sharaf kale.

Qoor Qoor oo munaasabadda xiritaanka kalfdahiga Baarlamaanka Galmudug hadal ka jeediyay ayaa ku ammaanay xildhibaanada shaqadii ay soo qabteen intii uu furnaa kalfadhiga shannaad, waxa uuna xusay in wali jiraan shaqooyin kale oo looga fadhiyo .

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sixiixay laba sharci oo kala ah Sharciga Xibsiyada iyo Sharciga Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxuuna madaxweynaha sheegay in Galmudug ay u tallaabsatay wadada dimoqraadiyadda, lana diiwaan galin doono xisbiyada.

Labadan sharci uu saxiixay madaxweynaha Galmudug ayaa quseeya doorashada maamulkaasi, waxaana saxiixan uu imaanayaa xilli baarlamaanka u sameeyeen Qoor Qoor muddo kororsi aysan raali ka aheyn siyaasiyiinta iyo beelaha dega Galmudug qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo Bulshada Rayidka kala tashtay Hiigsiyada Qaranka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo ku baaqay Dagaal ka dhan ah Itoobiya baaqna u diray Shacabka

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb gashay shirka dalalka ku bahoobay COMESA (Sawiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---