QM oo War cusub ka soo saartay Markab shidaal sida oo quusi raba xeebaha Yemen (Sawirro)

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay haatan heleen ballanqaad buuxa oo ku saabsan lacagihii ay codsadeen in lagu samatabixiyo markabka shidaal ee ku xumaaday xeebaha dalka Yemen

Waxaa markabkan oo ah mid aad u weyn saaran shidaal ama saliid ka badan 1 million oo foosto.

War ka soo baxay Qaramada Midoobay lagu sheegay iney haatan ku hawlan inay ku qanciso dalalka iyo hay’adaha ku deeqay lacagta, inay si dhakhso ah u ooffiyaan ballamaha ay qaadeen oo ah, in la bixiyo illaa $75 milyan oo dollar oo ah hawlgalka wejiga hore.

Russel Geekie oo ah sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka dayriyey xaaladda Markabka, isagoo sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaadda lacagaha lagu samatabixinayo markabkan shidaal ee ku xumaaday Badda Cas, inay keenayso in markabkani uu daadiyo saliidda saaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -