Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Galcad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Galguduud.

Howlgalka ayaa lagu dilay xubno fara badan oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Gariyaale.

Saraakiisha ciidanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Howlgalkaan lagu dilay 18 ka tirsanaa Al-shabaab  oo ay kujiraan horjoogayaal.

Meydadka ragga la laayey iyo hub laga furtay ayaa lagu soo bandhigay baraha bulshada gaar ahaan barta telegram ee warbaahinta dowlada.

Howlgalka ayaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay waxaana lagu burburiyay goobo al-shabaab keyd u ahaa oo ay Sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa u yaaleen sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney reer Galbeed ah oo lagu afduubtay dalka Kenya & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Dadka Soomaaliyeed ee heysta baasaboorka dalka Kenya oo Viiso la’aan ku tagi kara dalka ….

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumadda oo cabasho ka muujiyay Doorashada Kursiga Hop166

Cabdi Cade
Taboola Ads ---