Allbanaadir.com
NEWS

Gabar dhallinyaro ah oo Caloosheeda laga soo saaray dhoor kiilo oo timo ah

Dhakhaatiir ka tirsan Isbitaalka The Schelkovo City Hospital oo ku yaalla Gobalka Mosko ee dalka Raashiya waxay dhawaan qaliin ku sameeyeen Gabar da’deedu tahay 21-jir, taasi oo in muddo ah ka cabanaysay Xanuun dhanka Caloosha, Lalabo iyo iyadoo hunqaacda ama Matagta marka ay Raashin cunto.

Sida laga soo xigtay Dhakhtarka Qaliinka, Dr. Alexander Bulychev waxa uu tilmaamay inay ku guuleysteen Qaliinka ay ku sameeyeen Gaabdha Bukaanka ahayd, iyagoo isku furay Caloosha iyo Mindhicirada, kana saareen Kuus Timo ah oo miisaankeedu dhamaa 3 Kg .

Waxa uu intaasi ku daray inay Boog iyo dhiig ku arkeen halka ay burada ku taallay, iyadoo qaliin looga soo saaray Kuus weyn oo Timo ah.

Dhakhaatiirta waxay ku guuleysteen inay Caloosha Gabadha Bukaanka ahayd ka soo saaraan wax u eg Buro Timo ah oo miisaankeedu dhamaa 3 Kiilogaraam (a Lump of hair, weighing 3 Kg).

Gabadha ayaa la ogaaday inay muddo dheer cuni jirtay Timaheeda, sida ay Dhakhaatiirta ku ogaadeen baaritaankooda.

Si kastaba ha ahaatee, Gabadha Bukaanka waxaa la sheegay in qaliin hore loogu sameeyey arrintaasi oo kale, iyadoo la dhibaatootay Xanuunkaasi oo lagu magacaabo
Trichophagia, lagana qaado in si kedis ah loo liqo timaha soo hoobta,

W/Y  Ustaad Nuradin

Xigasho: Russian News Agency “Moskva”

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay labo sharci oo quseeya Doorashada Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho ah iyo Wasiiradda Dagaalka oo go’aan gaaray

Cabdi Cade

Ra’usul Wasaare Xamse Barre oo Codsi muhiim ah u jeediyay Ra’isul Wasaare Ana Brnabić

Cabdi Cade
Taboola Ads ---