(Sawirro) Rooble oo xariga ka jaray Mashruuc cusub oo laga hirgeliyey degmada Balcad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabelle ayaa xariga ka jaray Dugsiga Beeraha oo dhowaan laga hirgeliyey degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha dugsiga Beeraha, isagoo warbixinno ka dhageystay maamulka dugsiga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay barashada wax soo saarka dalku in ay faa’iido weyn u leedahay isku tashiga bulshooyinka, loona baahan yahay in dugsigani uu soo saaro aqoon yahanno Soomaaliyeed oo ka faa’iideeya kheyraadka dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay odayaashii iyo guddigii isu xilqaamay badbaadinta Warshaddii Dharka ee Balcad, ayna mudan yihiin bilad sharaf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -