Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Baaq u dirtay Beelo ku dagaalamay Deegaanka Laanqaylo

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta XFS ayaa waxaa ay baaq nabadeed u direysaa labo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale gobolka galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wasaaraddu waxaa ay ugu baaqaysaa odayaasha dhaqanka, waxgaradka deegaanka iyo dowlad goboleedka Galmudug, in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda iyo nabadaynta beelaha wada dega deegaankaas.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta ayadoo ka xun colaadaha soo noq noqday ayaa waxay si gaar ah ugu boorineysaa beelahaas ay dirirtu dhax martay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan isla markaana ay ka shaqeeyaan in colaadda laga gaaro nabad waarta.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay Xasan Sheekh (Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya oo si adag uga hor timid Go’aan kasoo baxay Shirkii Jaamacadda Carabta

Cabdi Cade

William Ruto oo ku guuleystay in loo meel mariyo sanduuq dhaqaale oo muran dhaliyey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---