Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan miro dhal ah la yeeshay Madaxweyne Ruto (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto munaasabadda caleemo-saarka iyo la wareegidda xilka, isagoo la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay heshiis iyo iskaashi buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo guud ahaan wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ajiibay ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarkiisa, waxa uuna adkeeyey xiriirka soo jireenka ah ka dhexeeya labada shacab iyo dowladeed ee dariska ah.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay in la sii amba-qaado heshiisyada miro dhalka ah ee horey loo gaaray, gaar ahaan fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada, kuwaas oo ka mid ah caqabadaha wadajirka u curyaamiyey kobaca iyo horumarka dalalka Gobolka.

Related posts

Ciidanka xoogga oo dib ula wareegay deegaanno Al Shabaab qabsadeen (Sawirro)

Cabdi Cade

XOG CUSUB:-Kenya oo la soo baxday qorshe cusub oo looga qaadi karo Xayiraadda Khaadka iyo ujeedka Safarka…

admin

Duqa Muqdisho oo la xisaabtamay Guddoomiyaal Degmo ammar cusubna siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---