Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir oo xilka si rasmi ah ula wareegay ( Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Munaasabadda ka dhacday xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar, waxaa kasoo qeybgalay Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Wasiiro, Xildhibaano, Odiyaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada,waxa ay dhammaan dadkii ka hadlay ku amaaneen Cumar Finish shaqadii uu soo qabtay intii uu xilka hayay.

Guddoomiyihii hore gobolka Banaadir Cumar Finish oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayuu ugu mahadceliyay bulshada Gobolka, howlwadeenada iyo saraakiisha Laamaha mmaanka ee lasoo shaqeeyay inta uu xilka haayay, asigoona codsaday in lala shaqeeyo guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale.

Ugu danbeyn Duqa Cusub ee Caasimada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa Caasimada, isla markaana Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada aas-aasiga dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

- Advertisement -