TPLF oo go’aan ka soo saartay sida ay ka yeeleyso Maxaabiista ciidamada Itoobiya

Jabhada TPLF ee ka dagaalanta gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa shaacisey inay sii daayeen ilaa kun askari oo ay ku qabsadeen dagaalkii gobolka kuwaasoo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa xusay in kun askari oo ahaa kuwa ay darajadoodu hooseyso ay sii daayeen.

“Askar ka badan 5,000 ayaan wali haynaa, waanna sii hayn doonaa saraakiisha sarsare si loo maxkamadeeyo,” ayuuna yiri Debretsion Gebremichael.

Waxa uu sheegay in ciidanka la sii daayay loo kexeeyay dhinaca xuduudda koonfureed ee gobolka Tigray uu la leeyahay gobolka Amhara Jimcihii, laakin ma uusan xusin cidda la wareegtay askarta.

Afhayeenka militariga Itoobiya iyo kan Maamulka gobolka Amhara ayaa sheegay in aysan sii deynta maxaabiistan ka war heynin.

Gobolka Amhara iyo saddex gobol oo kale ayaa sheegay in ay diyaarinayaan ciidan kuwa dowladda federaalka ka caawiya dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa toddobaadkan sheegay in la iska caabin doono khatar kasta oo ka timaadda TPLF, taasoo dad badan ku fasireen inuu ka laabtay xabad joojintii halka dhinac aheyd ee uu ku dhawaaqay dhowaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -