Dhismaha Garoon Diyaaradeed midka ugu weyn Dunida oo gabo gabo ah maraya (Daawo Sawirada)

25-kii bishii April ee sanadkan ayaan booqday ‘Garoonka Caalamiga ah ee Beijing Daxing’ oo bartamaha magaalada uga beegan dhanka koofur 47 km, kaasi oo ku fadhiya  dhul dhan 150 KM Square, waxa uuna dhismihiisa soo bilowday December 26, 2014-kii, weli dhismaha ayaa socda balse isla sanadkan ayuu hawl-bilaabayaa…

Garoonkan oo la filayo in dhismihiisa la soo gaba-gabeeyo bisha June 30-keeda, uuna hawl-galo September 30-keeda isla sannadkan 2019-ka, bal aan ka bixiyo sharaxaad intaa dheer oo faah-faahsan.

Dhismaha garoonka iyo waxa uu leeyahay

Marka laga soo tago sida casrisan ee loo dhisayo iyo baaxadiisaba, waa Mashruuc hiigsanayo inuu maareeyo in ka badan 100 milyan oo rakaab ah sanadkiiba, waxana dhisan oo hadda uu ku fadhiya 45 Square kilometers, waa  dhismaha kaliya,wuxuu yeelanaya 6-meel oo ay diyaaraduhu ka kacaan am ay ka soo degaan, waxana wajiga hore oo ku beegan 2025-ta la filay sanadkaas inuu qaabilo rakaab dhan 72 milyan, waxa ayna ku darayaan ama dhisayaan 4 run-ways kale.

Waxyaabaha hadda dhisan oo la ii sheegay waxa ku jira 700’000 terminal ah oo ku fadhiya dhul baaxadiisa tahay 27 Square kilometers, waxa uu leeyahay adeeg sahlaya socodka waxana kamida 3 nooc khadad tareen ah, kuwa dheeraya ah, dhul hoostiisa ha mareen ama banaanka, waxa qofka rakaab la filay inuu socda masafo gaban..sida looga fakarayo awgeed, waxa uuna helaya adeeg walba oo internet iyo technology-daha kale adeegooda ah dhan.

 

Yi Wei, Maareye xigeenka Waaxda Qorsheynta iyo Naqshadeynta Mashruca Dhismaha ‘Garoonka Beijing Daxing International Airport’ ayaa ii sheegay in ay ku hawl-galayaan tilmaamo cad-cad iyo shuruudo ku aadan tayada dhismaha eeraboorka oo  uu siiyey Madaxweynaha dalka, Xi Jinping, taasi oo ah biyo-kama dhib-caan.

Qarashka ku baxaya Garoonka iyo ujeedka laga leeyahay

Waxa ku baxaya  adduun lacageed oo ka badan 200 Biyan RMB oo lacagta dalka Shiinaha ah, ujeedada laga leeyahay waa inuu noqdo marin caalami ah(International hub), waxaana jira qorsha lagu hormarinayo garoonka kale ee caalamiga ah ee caasimada Beijing ku magacaban(Beijing Capital International Airport), taasi ka dhigan in magaalada yeelanayso laba eeraboor oo caalami ah. Waxaa sidoo kale ay magaalada u diyaar garobeysaa qabashada ciyaaraha Olompikada oo la qabanayo 2022, halkaan ayaa la filaa in marin u noqota ka qayb-galayaasha ciyaarahaas.

 

Dareenkayga  iyo Gunaanud

Booqashadaydu garoonkan waxa ay ku beegnayd xili ay magaalada isu diyaarisay marti-gelinta laba shir oo caalami ah, mid waxa uu ahaa ‘Shirka iskaashiga dhanka kaabayaasha Dhaqaalaha(BRF) oo 38 dal, 150 wakiilo, ururo caalami ah iyo ka qayb-galayaan ku dhaw 5000 joogeen iyo bandhig carwo oo caalami ah ee dhanka waxyaabaha il-doogsiga leh ee bay’ada la xiriirta(Beijing International Horticultural Expo) oo isna in kabadan 110 dal ka qayb-galayaan iyo ururo caalami kaas oo dhawr bilood socon doona.

 

Iska daa Shaqada xoogan ee dhismo , alxan, dhir lagu biirayo daaro dabaqyo ah dushooda, iyo hir-gelilnta adeegyo badan oo ka socotay garoonka xilliga aan booqanayey , waxaa sidoo kale aad looga beerayey dhir dhul aan yareen oo u dhaxeeya magaalada iyo garoonka, meel banaan oo cidla ah oo aan shaqo ka socon ma jirin, beero si casri ah wax looga beeraya baa ku yaala,ama geedo waa-weyn baa lagu beeraya oo rag iyo dumar ku jira shaqada ama wadooyin cusub ayaa dhismo ka socday.

Markaan garoonka tagay oo dhankesta ka fiiriyey, mise ma ahan wax isheydu wada qabato, shan-qarta dhismo ayaa socota, waxa laga garan karaa koofiyada aan wato oo aan koox wariye-yaal iyo mas’uuliyiintaba  ku nahay xiran, ‘ Waxan is dhahay waxan garoon diyaaradeed ka weyne, ma qorshe magaaleyn baa ka socda(City planning), oo dad magaalo kale degan maa halkan loo dhisaya oo la soo dejinayaa, si shaqo hormarin looga qabto toodii ay deganayeen….marba waxbaan ku tilmaamayey…markii dambe waxaa ii soo baxday oo aan dareemay macnaha dawladnimo  iyo riyada hogaanka san uu u horseedo  ama uga rumeeyo shacabkiisa.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi “ Black Cobra”

E-mail: Cobrasonna@gmail.com

Beijing-China

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -