Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo Maalinta beri ah ku sii jeeda..

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maalinta berri oo Jimco ah ka ambabaxaya dalka iyagoo ku sii jeeda magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la xiriiro arrimo ku saabsan iskaashiga Gobolka geeska afrika iyo xaaladihii u dambeeyay ee ku soo kordhay.

Eritrea ayaa muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay hormuud u aheyd fulinta arrimaha Gobolka Geeska Afrika ee danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dowlada Eritrea ayaa dabayaaqadii sanadkii hore ku eedeysay dowlada Qatar oo saaxiib dhow la ah doowlada Somalia inay dalkeeda ka wado xasillooni daro iyo kacdoon ay dooneyso inay ku kiciso dhalinyarada, abuurista falal amni daro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marar badan booqasho ku tegay magaalada Asmara, tan iyo intii RW Itoobiya abiy ahmed ee isbedelada waaweyn ka sameeyey geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Kenya oo amaro culus ku soo rogay Masuuliyiinta dowladiisa

Caydiid Ali

Jabhada ONLF oo Jigjiga ka soo saartay go’aan ka farxiyey shacabka taageera

Caydiid Ali

Baarlamanka Somalia oo ansixiyey labo hindise sharciyeed oo Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---