Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Boqorka cusub ee Boqortooyada Britain oo si rasmi ah loo calemo saaray (Sawirro)

Boqor Charles-ka saddexaad ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu yahay boqorka cusub ee UK, ka dib munaasabad lagu qabtay qasriga St James’s ee magaalada London.

Boqoradii geeriyootay Elizabeth wiilkeeda curadka ah ayaa si toos ah u noqday boqor laakiin Golaha ansixinta oo ah hay’ad soo jirtay waqtiyadii Anglo Saxon ayaa xaqiijin doona doorkiisa.

Waxaa xafladda caleemo saarka boqor Charles II ku sugan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee UK sida Gordon Brown, David Cameron Boris Johnson iyo Theresa May.

Dhinaca lale, magaalada Edinburgh ee caasimada Scotland waxaa ka bilowday diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta naxashka boqoradda.

Waddooyinka ayaa la xiray, waxaana la sameeyay baro koontorool. Naxashka ayaa la filayaa in laga qaado qalcadda Balmoral halkaasoo ay ku geeriyootay, waxaana Axadda la geyn doonaa qasriga Holy-rood-house ee Edinburgh.

Related posts

Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo kawada hadlay Dilkii loo geestay Giulio Regeni

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Dowlada Somalia iyo Hay’adda DFID oo kala saxiixday heshiis shan milyan Dollar oo..

Cabdi Cade

Dagaal khaaaro badan dhaliyay oo dhaxmaray ciidamada Sudan iyo kuwa Itoobiya 

Cabdi Cade