Milatariga Dowlada Itoobiya oo Eedeymo culus u jeediday Tedros Adhanom

Taliska Ciidamada milatariga dowlada federaalka ee Itoobiya ayaa eedeymo culus u jeediyay Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ah madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO .

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Itoobiya Berhanu Jula, ayaa ku eedeeyay Tedros Adhanom in uu wado talaabooyin uu ku taageerayo xoogaga hubeesan ee Tigreyga dagaalka kula jira ciidamada federaalka Itoobiya.

Waxa uu sheegay Janaraal Berhanu Jula in Madaxa Hay’adda WHO Tedros Adhanom in uu wado isku dayo badan uu ku taageerayo isbaheysiga TPLF isla markaana uu ka caawinayo sidii ay hub ku heli lahaayeen.

Madaxa Hay’adda WHO Tedros Adhanom, ayaa horey usoo noqday Wasiirka caafimaadka Itoobiya, ninkan ayaana ah dhaqtar caan ka ahaa gudaha dalka Itoobiya kana soo jeeda qowmiyada Tigrey ee dagaalka kula jirta dowlada federaalka ee Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaana beegsi ku heysa saraakiisha iyo siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda Tigrey, kuwaa ay ku tuhmeyso in ay taageerayaan dagaalka ay dowlada uga soo horjeedaan Maamulka gobolka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -