Maxaa looga hadlay kulanka Aadan Madobe la qaatay danjire Salah El-Guneid? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacada carabta u qaabilsan Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagay sida Jaamacada Carabta ay uga go’an tahay inay ka gacan siiyaan in xildhibaannadda Golaha Shacabka loo sameeyo aqoon kororsi, tababarada howl-wadeennadda Golaha Shacabka BJFS, arrimaha caafimaadka, iyo sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Carabta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa  boggaadiyay dedaalada Jaamacada Carabta ay ku taageerayso Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale ahmiyad gaar ah siiyay adkeynta wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidii wax badan loogu qaban lahaa abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

- Advertisement -