Qoys Sabab layaab leh gurigooda Qashin qub uga dhigay !! (Daawo Sawirro)

Warbaahinta Koofur Kuuriya ayaa baahisay muuqaallo lammaane da’ ah oo ku nool guri qashinqub ah muddo sannaddo ah sabab la xiriirta diidmada inankooda 40-jirka ah oo ku gacanseyray dalabkooda ah inuu shaqeysto oo magaaladiisa u shaqa-tago.

75 jirka Choi oo ku nool Gwangju wuxuu tobankii sannadood ee lasoo dhaafay gurigiisa oo laba dabaq ah ka yeelay goob lagu daadiyo qashinka lasoo naco oo u badan qalabka biraha iyo wixii la halmaala. Aaaminsanaanta aragtida tiraahda – qof qashinkiisu waa qeyraadka qof kale, ninkan wuxuu sida aad u jeeddaan guriga hoy uga dhigay jaad walba oo qashin ah.

Xattaa saxaafaddii u tagtay si ay uga waraystaan xaalkiisa, waxaa ku adkaatay inay iridda ka galaan, sidaas darteed ayayna u koreen buur-la-moodda qashintuurka ah. Waxaa intaas usii dheer uskagga iyo urta qurmoon ee kasoo baxaysa qashinka waxay jawi aan fiicneyn ku noqotay wariyayaasha, laakiin qoyskani waxay ula qabsadeen sida caadi ah.

Qol yar oo ay jiifsadaan mooyee, waxaa gurigiisa intiisa kale yeeshay qashin. Jaarkiisu kolkii hore way uga cawdeen qashinka uu soo daadguraynayo, balse markii ay ogaadeen inaanu dheg jalaq usiineynin tabashadooda, way isaga sabreen.

“Qashinku waa un hanti la iska nacay oo weliba waxgal ah haddii si fiican loo adeegsado,” ayuu yiri Choi isaga oo intaas kusii daraya inuu maalin walba magaalada ka keeno qashinka.

Halka inan oo ay isku dhaleen kaas oo culeyska cayilkiisu gaaray 100kg wuxuu ku gacanseyray baaqooda ah inuu shaqeysto. Wuxuuna taas beddelkeeda ku tashaday inuu la cuno lacagta kabka ah oo ay dowladdu siiso waayeellada. Laakiin hadda muddo sannad ah guriga kama bixin. Choi wuxuu sheegay in sababta uu gurigiisa uga dhigay hoyga qashinka ay ahayd si wiilkiisu magaalka iskaga dhacsho oo uu is dabbaro.

Laakiin tallaabtani kama ahan naceyb. Kaliya waxay rabaan inay arkaan inankooda oo shaqeysanaya kahor inta aysan dhiman. Hayeeshe, waxaa kasoo gaaray dhibaato caafimaad. Xaaskiisa, tusaale ahaan, waxaa ku dhacay xanuun wadnaha ah.

Dadka deegaanka iyo dowladda oo si kastaba arrinta soo fara-geliyay ayaa ku guuleystay inay Choi ka dhaadhiciyaan in qashinka laga qaado gurigiisa – inankiisana uu noloshiisa ma-shaqeyste-nimada ah uu wax ka beddelo.

“Caafimaadka xaaskayga awgeed, mar dambe qashin sooma gelin doono gurigayga,” ayuu yiri isaga oo ilmaynaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -